Golaha Baarlamaanka Ardayda SIMAD oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Khaliif Cabdiraxman Maxamed (Maan-Gedle) ayaa booqasho iyo aqoon kororsi ku tagay Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Aqalka sarre, October 8,2024: Waxa saaka Golaha Baarlamaanka Ardayda Jaamacadda SIMAD ku tageen Aqalka sarre ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Booqasho iyo aqoon korarsi halkaaso ay kusoo dhaweeyeen qaar kamid ah Maamulka sarre ee Golaha.

Golaha Baarlamaanka Ardayda Jaamacadda SIMAD oo uu horkacayo Guddoomiyaha Golaha, Mudane, Khalif Cabdiraxmaan Maxamed (Maan-Gedle) Ayna weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Mudane, Ahmed Abdi-asiis Mohamud iyo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ahna xoghaynta guud ee Golaha Marwo, Sowda Ahmed Shurie, iyo xubno kamida xildhibaanada Golaha ayaa saaka u tagey aqalka sarre ee dalka booqasho iyo aqoon korarsi. Waxaa halkaas kusoo dhaweeyay qaar kamida maamulka Golaha iyagoo uga warbixiyay shaqooyinka aqalka sarre iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka Golahaan.

Xubnaha Xildhibaanada Ardayda ayaa dood furan la yeeshay maamulka sarre ee Golaha iyagoo wax ka weydiiyay weydiimo badan oo maankooda ka guuxayay halkaasoo Habdhowraha goluhu uu si hoodaarnimo leh u shabbaaxay dhammaanba weydiimihi ay qabeen xubnuhu.

Ugu danbeyntii, Maamulka Aqalka ayaa xubnaha xildhibanaada Ardayda kusoo wareejiyay xafiisaadka Aqalka iyago u sheegayaa midwalba ahmiyadda uu u leeyahay Golaha ugu danbeyna geeyay Hoolka Shirarka Golaha iyagoo uga warbixiyay qaab fadhiga Golaha habmaamuska Guddoonka Aqalka iyo hawlaha ka dhex socda Aqalka dhaman.

=DHAMAAD=

Mudane, Hamza Hussein Ahmed

Madaxa Warbaahinta iyo Xidhiidhka Golaha Baarlamaanka Ardayda Jaamacadda SIMAD.

GB-XAJSi OFFICE

XAJSiParliament@simad.edu.so

Mogadishu-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *