Simad, Aug 21, 2024: Guddoomiyaha Baarlamaanka Ardayda Jaamacadda Simad Mudane Maan Gedle ayaa kusoo dhaweeyay xafiiskiisa Guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Abdikarim Mohiadin Ahmed kaasoo booqasho iyo kormeer shaqo ku yimi xafiiska Golaha Baarlamaanka Ardayda ee xarunta dhexe jaamacadda.
Guddoomiyaha guud ee Jaamacadda SIMAD Dr. Abdikarim Mohiadin Ahmed ayaa warbixin ka dhageystay guddoomiyaha Baarlamaanka ardayda, kaasoo uu si tafaftiran uga warbixiyay hawlaha ay u hayaan ardayda iyo shaqooyinka hadda ka dhex socda Golaha. Guddoomiyaha guud ee jaamacadda Dr. Abdikarim Mohiadin Ahmed ahaa ku bogaadiyay guddoomiyaha baarlamaanka iyo golihiisa shaqooyinka iyo hawlaha culus ay u hayaan ardayda isagoo ku dhiirigeliyay in ay hore usii wadaan aysana ka caajisin.
Ugu danbeyntii, Guddoomiyaha barlamaanka ardayda ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha guud ee jaamacadda booqashadiisa iyo sida uu marwalba muhiimada u siinayo ardayda jaamacadda iyo guddoonkoodaba.
=DHAMMAAD=
Mudane, Hamza Hussein Ahmed
Madaxa Warbaahinta iyo Xidhiidhka Golaha Baarlamaanka Ardayda Jaamacadda SIMAD.
XAJSiParliament@simad.edu.so
Mogadishu-Somalia.