Tababar jihayn iyo isla-jaanqaad ayaa loo qabtay Xukuumadda Ardayda SIMAD iyo Guddoomiyeyaasha Kulliyadaha, oo uu soo agaasimay Xafiiska Arrimaha Ardayda.

Simad, August 1, 2024: waxaa si guul iyo waxtar leh noogu soo idlaaday tababar uu soo agaasimey Hormuudka Xafiiska Arrimaha Ardayda Jaamacadda Simad Marwo, Khadiija Sheikh Shamsi gacan weyna uu ka geystay Golaha Baarlamaanka Ardayda Jaamacadda Simad. Waxaa loogu talo galay tababarka in lagu jiheeyo laguna dhiirigeliyo qeybaha kala duwan ee hogaanka ardayda taasoo yoolkeedu ahaa shaqo wanaag iyo isla-jaanqaad ka dhaca hogaanada kala duwan dhexdooda.

Waxaa tababrka kasoo qeybgalay Golaha Baarlamaanka Ardayda Kaasoo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Golaha mudane Maan Gedle, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Mudane Ahmed Abdi-asis, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Marwo Sowda Shurie, iyo mudanayaasha xildhibaanada Golaha Baarlamanka Ardayda Jaamacadda Simad.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ardayda Jaamacadda Simad Mudane Maan Gedle ayaa uga mahadceliyay Hormuudka Xafiiska Arrimaha Ardayda iyo hawl-wadeenadeedaba sida dhow ee ay kula shaqeynayaan Golaha ugana go’antahay in ay u qabtaan tababaro aqoon kororsi ah. Wuxuuna Guddoomiyuhu aad uga mahadceliyay bar bilowga fiican ee uu u horeeyo tababarkaan maanta kaasoo uu sheegay in ay tahay talaabo dhanka wanaaga iyo isla shaqeynta loo qaaday.

Ugu danbeyntii, tababarka ayaa kusoo idlaadey jewi nabdoon iyo garaad fiyoobi. Taasoo ay dhamaan mudanaayasha xildhibaanadu ka mahadceliyeen waxbadana uga kordheen.

=DHAMAAD=

Hamza Hussein

Madaxa Warbaahinta iyo xidhiidhka Golaha Baarlamaanka Ardayda Jaamacadda Simad.

XAJSiParliament@simad.edu.so

Mogadishu-Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *